Erga iyo anoon
Uddiran afgaran
Oo aan inanyahay ku oran

Eed inaad ii abaabusha
Abaayo mcnto
Ma abaalkaybaa

Axdi ruux galoo
Aan oofinee
Ma adoo kalaa

Waan ku aaminoo
Araxdey jartee
Aflibaax magalay

Ubaxii jacayl
Inantaan ululay
Idilkood haween
Ka ishaartayeey

Adduunyaa iga dooratoo
Inanyahay nin kale
U alkumantahee

Axdi ruux galoo
Aan oofineyn
Ma adoo kalaa

Waan ku aaminoo
Araxdeey jartee
Aflibaax magalay

Exit mobile version