VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aargoosi - Lyrics

Maxaad ii tidhi aan beerno jacayl Bogaaga adoon badh iiga ogalayn Maxaad ii tidhi bislaa cishqigii Dareenka adoon badhkayga isiin 2x Maxaad ii tidhi adaan ku boqraday Adoon balamaha ka soo bixi karin Maxaad ii tidhi bogayga hab sii Adoo boholyowga u mooda ciyaar 2x Hadii barashadu khasaare ahayd Xidhiidhku haduu bil uun ku eekaa Badii cishqigaa badhtanka ka galee Anaan bahdil iyo catow aqbalayn Bareejada dhowr dhowr dhowr Bareejada dhowr ayaa ka hadhee Bareejada dhow 2x Bilaash kalgacayla miyaad bandhigtaa Adoon baran ruuxa miyaad boqrataa Halkaa balalaysa bakhtiin ma kartaa Kal baahan dartaada ma beegsanaysaa 2x Inaan boholyoobay miyaadan ogayn Inaan noqday baylah miyaadan ogayn Inaan kala baadnay miyaadan ogayn Dareenka baxnaani miyaadan fahmayn 2x Hadii barashadu khasaare ahayd Xidhiidhku haduu bil uun ku eekaa Badii cishqigaa badhtanka ka galee Anaan bahdil iyo catow aqbalayn Bareejada dhowr dhowr dhowr Bareejada dhowr ayaa ka hadhee Bareejada dhow 3x
Queue is empty
-- / --