Maxaad ii tidhi aan beerno jacayl
Bogaaga adoon badh iiga ogalayn
Maxaad ii tidhi bislaa cishqigii
Dareenka adoon badhkayga isiin
2x

Maxaad ii tidhi adaan ku boqraday
Adoon balamaha ka soo bixi karin
Maxaad ii tidhi bogayga hab sii
Adoo boholyowga u mooda ciyaar
2x

Hadii barashadu khasaare ahayd
Xidhiidhku haduu bil uun ku eekaa
Badii cishqigaa badhtanka ka galee
Anaan bahdil iyo catow aqbalayn
Bareejada dhowr dhowr dhowr
Bareejada dhowr ayaa ka hadhee
Bareejada dhow
2x

Bilaash kalgacayla miyaad bandhigtaa
Adoon baran ruuxa miyaad boqrataa
Halkaa balalaysa bakhtiin ma kartaa
Kal baahan dartaada ma beegsanaysaa
2x

Inaan boholyoobay miyaadan ogayn
Inaan noqday baylah miyaadan ogayn
Inaan kala baadnay miyaadan ogayn
Dareenka baxnaani miyaadan fahmayn
2x

Hadii barashadu khasaare ahayd
Xidhiidhku haduu bil uun ku eekaa
Badii cishqigaa badhtanka ka galee
Anaan bahdil iyo catow aqbalayn
Bareejada dhowr dhowr dhowr
Bareejada dhowr ayaa ka hadhee
Bareejada dhow
3x

Exit mobile version