VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Marbaan wada neefsan - Lyrics

Hadaad nasabeey kalgacal Nolosha ila qaybsanlayd Sidii waxaan noqon lahayn Naf qudha oo laba jidh le Marbaan wada neefsanlayn Marbaan wada nuuxsanlayn Marbaan wada nuugilayn Haduu nabar kaa damqado Axbay odhanlayd niyadu Kashaad ii nuujinlayd Dareen naxariis watoo Nabdiga quustiyo sahwiga Nadaabada weheshadaad Naruuro ku soorilayd Hadaad niyadiyo qalbiga Nasteexa ku habi lahayd Sidii nudayaal is xiga Ayaanu nolol qaybsanlay Sidii dhul nabaad ku yaal Mar waan kugu nuursan laa Kashaa kugu naaxilayd
Queue is empty
-- / --