VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qiso - Lyrics

Qalbigayga lagu qoray Magcaaga uun qura Qisadayda kaligaa adiga lagu qufulay Waxay qaadi xiisaha uqaadaa had iyo jeer uqeexdaa dhibkeedoo Qoraal ugu sameesaa Nafta qayb ka maqanee Oo jacayl qasbaayoo Kaa quuso waydeee Rajo igu qabyoowdoo qooraansanaayaa Hadduu calfka qaadana Anaa qanci lahaayee Miyaan miyaan miyaan kala qorsoonahay Qorax soo baxaysiyo Marki ay qarsoontaba Sidii aad qardhaas tahay Adaa qoorta ii suran Adaa kugu qarwaayoo Nafta waa qufalatee Riyo igu qabyoowdaa Maxaan kaaga quusataa Nafta qayb ka maqanee Oo jacayl qasbaayoo Kaa quuso waydeee Rajo igu qabyoowdoo qooraansanaayaa Hadduu calfka qaadana Anaa qanci lahaayee Miyaan miyaan miyaan kala qorsoonahay
Queue is empty
-- / --