Heesta Dakhartay Caashaq - Lyrics
dayaxbaa ilayskii shiday
dookhbaa igu yidhi i cugo
dareen caashaqu wataa
kashkiyo laabtayda dagay
waxaan daawadaa humaag
naftaydu ku diirsatoo
irbado layguma duroo
dhakhtarku dawo iima qoro
hadana waan dayaysnahoo
dabiib iyo xaal ma helo
ilayn dakhar caashaq baa
dhuxiyo dhaymo loo helayn
runtaa ku hogaaminaysee
damacu mee saruu jiraa
markaad dabarada jartaa
hawada sare duulaysaa
dedaal ruux kastoo rababa
waxbaa loogu dawgalaaa
irbada laygumo duroo
dhakhtarku dawo iima qoro
hadana waan dayaysnahoo
abiib iyo xaal ma helo
ilayn dakhar caashaq baa
duxiyo dhaymo loo helayn