wajiyal is xasuusta
indha aan kala waarin
laba aan isba waayin
laba aan kala weecan
wadnayaal is jeclaada
wadku daaya nagaada
dawadeena asqayna
oo wadaaga xanaano
inagay isku wacnayne
maxaad iiga wareegtay

walbahaarka jacaylka
sida wayraxa geelu
ilmaha ugu wareegaan
kuugu weehanayaa
hadii aad wakinayso
ood ka wiiqantay dhuuxa
wadhi caashaq ku raacday
wadka maan ku dhigeene
inaga isku wacnayne
maxaad iiga wareegtay

Exit mobile version