VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Weyno gaari doonaa - Lyrics

Inkasto aarsade godob noqon sabarana gun noqon galin kula xumaatiyo gocashadu ceebtahay Inagoo gacal wadaagnay gayaanku sheekadu gartay inaa igu gaftoo godob iga gashay ma gar waaqsantahay Wacadkaan wada galayniyo go'aankii dhaxdeynoo inaad gooysay axdigi ma gar waaqsantahay Maan gam'in hurdada galin hadey kuu haraad maad gabid cidlaa uga guurtay ma gar waaqsantahay Shaxda gabi waxa jira waa geedin laga ilduufeyay godna lagama wada cuno laba jeer wax garadee Carladi nafteyday haduu guulo calafiyo isku keeno kala guur weynu gaari doonaa
Queue is empty
-- / --