Laab soo banaantii
Ale noogu deeqay
Wehel iyo xigaalkee
Ayaa wada ogsoonaa

Uurka maynu wada helay
Ururiyo qabiil iyo
Ururiyo qabiil iyo
Hobeey la isku sheegtee
Isku aabo maa nahay

Umadaan ka dhalaniyo
Dariskiyo asxaabtii
Ayagaa ogaaday inaan
Inaan nahay ul iyo diir

Udub taaganoo taaganoo
Taaganoon jabin
Ubax soo bidhaamoo
Abid aan basaasayn

Aadmigu aduunyadu
Markii ay ina eegaan
Labay noo arkaayaan
Uurkana midbaan nahay

Saaxiib is aaminoo
Isku uur fayooboo
Eegaabin waligood
Eebow inaga yeel
Aamiin alahayoow
Aamiin alahayoow
Aamiin alahayoow
Eebow inaga yeel

Exit mobile version