Waan ku haybinayaa
Hurdo kaama ladoo
Huqdaada i dishee

Jacayl waa halisee
Halagaa ka dhacdaa
Haybanaa u dhintee

Waa la i heloo
Waaba la i hayaa
Sida hood maagoola
La igu soo hirtaa

Harcadbaan lumayoo
Ka habaabay rugtoo
Hay haybinayee

Hilicbaa ii baxoo
Wuxunba ila hadlaaye
I hogaaminayee

Waa la i heloo
Waaba la i hayaa
Sida hood maagoola
La igu soo hirtaa

Exit mobile version