inanyahay sidaan ahay
cunto waan ka soomoo
saqda dhexe habeenkii
hurda seexan waayee
inta inan sidaada ah
ama suuraadaada le
soconaysa dunidaba
eegmadaba ma siiyoo
indhahaba ma saaro e

waa sidaanaftayduye
sahal ha ii malayne
siduu xaalku kaa yahay
foosiya rumaaneey

samihii naftaydaay
sadka taan u yeeshaay
subax ii iftiintayoo
eebahay i siiyayaay
suuban hooyadaaba
ducadii ku saartayoo
saxariiri mayside
hana siin naftayda oo
ha isaseejin adiguna

inaan saban barwaaqiyo
nolol suuban gaadhnaan
wali kaa sugayaaa

Exit mobile version