Heesta Cover soo adiga ma ahan - Lyrics
nuur daalacayiyo
indho caashaq qaba
kaan ku eegayow
sow adiga maaha
inaa kaa agtago
naftu ma ogolee
sow adiga maaha
noloshayda idil
kaan ku aaminee
aayaha ka sugi
sow adiga maaha
eegmadaadiyo
uurkiyo qalbigu
kuu amaanayow
sow adiga maaha
mid ayaanlebaa
aqal kula gashee