VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Darmaan cover - Lyrics

Waxan ahay darmaan dayr shakaala iyo Dudo laga xareeyiyo Dabar celinin baanoo Daan daadnsi baratee Hadii aanad aheeyn diric Duulaan ku galey faras Ama doonyo wadi jirey Diyaarada kicin jirey hagygu daganine dib u joogso ama deexso dararta caana waa duulisteeniye dayaxa aynu aadnee Anba dawri aar Intuu dib jirey Dayr dhexdiiso Dooyo geel ku laayaan dilaa ahey sidiisoo Waan daymo kululee Maxaan qaalmo dayr dhala Danbarsadey kaliishii Ama aan darka u horey Durduuroon u shubi jirey Dibjirkeenu waa ha i diidin hana daahin Kaaley daadaha dibada soobaro Waa Duulisteniye Dayaxa aynu dhaafnee Cirkoo da ay Dabaax Daajiyoo kaligii geeljire Dadkuna wuu la maalaa Dantuna ceel la kaayaa Ninbaa dul usoo ridey Durba inaad xariif tahey Deeqsi iyo nin raga tahey Doqonimo ka dheertahey Daah igama saarnee Miyay durugtey sheekadu Ha igu daahin durba soojar Waa duulisteeniiye dayaxa Aynu aadnee Waxan ahay dabayl iyo Dugsi kii la doonoo Dayaxa iyo cadceedaan Ku taga dalxiisoo Kama daalo socodkee Maxaan duuni shaaximan Ku dulmarey badweeyn Ama qaar da’ daada u dabaal dagi jirey Dibjerkeenu waa Haa i diidin hana daahin Kaaley daadah dibada soo baro Waa duulisteeniye dayaxa Aynu dhaafnee.
Queue is empty
-- / --