VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhankaaga - Lyrics

mar adoo iga dheerba qalbigu ku dhawaaqaya mar adoo iga dheerbu indhuhu kaa dhargeyn mar adoo dhedi hurada galay hasaawaha kula dhig-dhiga sida iigu dheertahay mar ruuxan kula dhiiga jira saw dhuuxa iyo maad raacina dhiigaba bal dhankaaga qabo caashaqu yaanu dheeliyiine anigana i dhowr sida curad la dhalay aan dhool-dhooliye marbaan dhabta iyo dheyel kala ogeyn aan dhoohaneyn marbaa dayro dhaaf dhaxan loo qadhqadhyn waan dhididayaa marba dhigiyo aqalkoo dhismiyo dhagaha farxadi ay ku soo dhacdaa sida iigu dheertahay mar ruuxan kula dhiiga jira saw dhuuxa iyo maad raacina dhiigaba bal dhankaaga qabo caashaqu yaanu dheeliyiine anigana i dhowr sida curad la dhalay aan dhool-dhooliye
Queue is empty
-- / --