VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hanjabaada kama dido - Lyrics

Hadal uu qof igu yidhi Heestayda kuma daro Hal dhanbaa la siistaa Kama tago hubsiimada 2× Ruux igu habsaamoo Halkii maalin aan Maray Aan hiigsan karahayn Hor allee dadweynoow Hadal ma u banaan yahay Hor allee dadweynoow Hadal ma u banaan yahay 2× Hanjabaada Kama dido Wadnahaygu hawd iyo Ma yaqaano heetayn Qofka soo hantaataca Haadkayga soo gala Hawadaan ka xidhayaa 2× Waan kaa horeeyaa Waanan kaa hanweynahay Ha ku dadan dulqaadkee Holac iyo dabbaan ahay 2× Adoo haysta nabadoo Hadhac iyo ku lada baroo Gogoshaadu hoos taal Yaan hawl laguu diran Halistana ha baayicin Yaan hawl laguu diran Halistana ha baayicin 2× Hanjabaada Kama dido Wadnahaygu hawd iyo Ma yaqaano heetayn Qofka soo hantaataca Haadkayga soo gala Hawadaan ka xidhayaa 2×
Queue is empty
-- / --