Heesta jawaab kool kooliso - Lyrics
hal door karamiyo mug loow
kaabaha noloshiyo naftoow
iftiin kaah waabaroow
koonkaba ii nuuriyoow
i kool kooliyoow kalgacal
i waraabiyoow kaskiyo
maankaygiyoow
adaan raga kuu jeclahay
qalbiga kalibaad ku tahay
kalsoonaan kuu hayaaye
kashiyo laabta igu qabo
indhaha araga koobsadoow
kaalmaha dhiigiyo darkoow
garaad lagu kala socdiyo
xiskiyo kala garashadoow