VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nafta adaa ku siiyay - Lyrics

intaan himilada arkaayo hamigu i hogaaminaayo sadaashu haday fogaato hankaygu ka gaabsan maayo intay hibashada xasuustu maankayga haloosiyayso jacaylka ka hiilin maayo haasaawaha caashaqeena hilaadii hor joogsan maayo hubaal nafta waan ku siiyay qalbiga waan kuu hibeeyay jacaylkuna waa i hayaaye hubsoo adna i hungaynine xusuusta intaan hadraayo qalbigu hiil kaa sugaayo hadaad hawadaada raacdo hareeraha eegi maayo intay naftu kuu hanwayntay kashaydu ku haybinayso jacaylka hilmaami maayo haraadkaan qabo dartaana cir hooray doojin maayo
Queue is empty
-- / --