Heesta Afgarasho - Lyrics
ugubeey afgarashada
iyo talo ilhaamisa
aqoontiyo dareenka
ifttin kuu horseede
marka gabadh il dheeri
ooridaaada noqotana
ereygii tusaalayn
aqulkuu qotomiyaa
ilkahii maroodiga
ninka ibri joogoow
aar libaax dhashiisiyo
waxaad tahay nin adage
aduun loo shaqaystoo
ubad lagu barbaarshana
aayaruun ma gaadhide
ololbaad u jiidhaa
hadii aan ul qabashada
ALLE igu gaargaarayn
adna aanad garab galin
itaalkaygu guul male
ILAAHII na uumaa
kalinimo awood leh
ogow uursamaantaa
rag ku kala adkaadaa
aasaaska noloshuna
isku duubni weeyaan
aqalkeena wacaniyo
arligii dhulkeena
il duuf li'i wanaagiyo
aayatiin ka sugayaa