Heesta Arligeygow - Lyrics
hadii aanan dabayl urin
awood ma le naftaydu
markaan uurka hooyaday
ifka uga soo baxay
anigoon anfaca baran
neecawdiisa uduga leh
kii igu anqariyow arligaygow
inaan kuu adeegoon
aduunyada intaan jiro
aayahaa ka taliyaan
axdi kuugu marayaa
arligaygoow
ninka se kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la darisow
sow ma oga horta sow ma oga
hab looga hadhinaad tahay sow ma oga
dhaxal awoowo inaad tahay sow ma oga
isagu inuu ku leeyahay sow ma oga
wax se ku uursamaataa arligaygoow
irbid kaama ridi karo aqoon yare
bulshadana ku eedoo
udubkiyo dhigihiyo
aloolka iyo haraartaba
aqalkaan ka helayow
hadaan dibada aado
ajashu ii timaadana
kii la ii soo anbinayee
iilkay ku yaalow
inaan kuu adeegoo
aduunyada intaan jiro
waajibkaaga oofshaan
axdi kuuu maraya arligaygow