taariikhdu waa buug
biyo maydhi karinoo
baryo lama ilaawee

naftaad baaca sooraha
bukaan uga maciintaa
kuu beer naqaysee
ha ka goyn bariidada

boogt ha ladnaatee
kalgacaylkaan baanta
ma bogsiin karaysaa

inagoo barwaaqiyo
beelo roon ku noolbaan
xalay soo baraarugay

taariikhdu waa buur
biyo qaadi karinoo
mirir duug ma noqotee

dhulka meel banaaniyo
bandariiro ruux dagay
barqo reer ma oodoo
kuma waa baristee

adigoon bukaan qabin
balac looma yeedhtee
barashada horteed maya

waxaad iigu baaqdiyo
balantaadu fududaayoo
beer laxawsi waynaa

guur waa badhaadhaha
laba ay ku badatayoo
aduunyadu ku ba'dee

iyo sidaa bardoogloo
way laba doglaysee
naftan kuu buseeshee
indhihii basaasee

waxa laba baraara
bayd nool u hoyataa
markaad bilicda guurkiyo
noloshiyo badhaadhaha
farxad aad ku bogotiyo
ubad kaaga beermaa
bar san baad ku noolaan

Exit mobile version