baarigii naftaydow
baahi waxxaan kusoo maray
daaroolihii bari
lagu dhigay abwaankiyo
xeebti barbara iyo
bustaankii jacaylkiyo
badhtii uu ku noolaa
boqorkii kalgacalada
bildhaantaada gaariyo
aadi goobka awgaa
biimaha jacaylkaan
baryo dabada joogoo
aniguba bil iyo laba
bisinkii iillaahbaan
baxsanoow daraadaa
ma ogtahay arkanayee
bini aadam baan ahay
bashar ilaa midaa tahay
bogaan maarmin baan ahay
adna haygu baylihin

baarigii naftaydoow
aniguba baraadli,i
bohollyawga aan qabo
la baqoolay hadimada
burco iyo hargeysiyo
buuhoodliyo wajaaliyo
saylac baalaheediyo
jigjiga iyo boorama
barbarkaad dhigaygoo
birta waan ka fiicnahay
buurtana dad baan ahay
beentana umaan dhalan
ilayskii bahdaydoow
bala looma yeedhiyo
shaki banaanka jiifee
anigunaba bas baan ahay
bini aadam baan ahay
bashar ilaa midaa tahay
bogaan maarmin baan ahay
adna haygu baylihin

Exit mobile version