Heesta Burcad dumar - Lyrics
duul duule duqsiguba
dabin loo mareegiyo
dabuunbuuku dhacayaa
xiisoole damac badan
dab halkuu ka baxay iyo
kolba meel u duuliyo
budhcad dumar ayaad tahay
dabnahoo xabiibiya
uurkuna dadan yahay
kaa diiday aniguye
anoo damal hadhwayniyo
durdurkiyo barwaaqada
igu deeqay EEBUHU
abaar dooranayee
ha igu daalin anigee
kuuma diir naxaayee
danbigaaga ila dhaaf
doodiyo murankuba
dabcigiina weeyoo
waa la idiinku daw galee
dagahoo sahaniyo
dibindaabyo iyo been
waxaad nagu dayaysaan
diinteenu ma ogolee
ruuxay dulqaad iyo
daacadnimo ka dheertahay
dooni maayoo aniguye