Heesta Caashaqa - Lyrics
Faruhuba sidoodaba
Ma sinoo xubnahoo
Wey kala sareeyaan
Ana sabanka maanta
Inaan rag kula simo
Suuroobi weydee
2x
Sawirkaagu inanyohoow
Markaan saaro dhaayaha
Sahwibaan kaa qaadaa
2x
Siday aniga ila tahay
Arinkeen samaayee
Caashaqa ila sid
2x
Suugaanta heesahee
Subciska iyo luuqda leh
Adaa iga samaystee
Sidaad iigu weyntahay
Jacayl igu sargo'anbaa
Samada ila aadee
2x
Soomaalinimadiyo
Sinjigaaga wacanbaa
Isa sudhay aniyo adi
2x
Siday aniga ila tahay
Arinkeen samaayee
Caashaqa ila sid
2x