jacaylkaan daryeeleen
u dadaali jirayeen
darxumo ka dhawree
dayaca ka celin jirayee

isaguna dushiisiyo
duudka igu sidayee
i daadahayn jirayee

durba waqtiga iyo
dantu iga fogaysee
waxan is doonaba
DAA'IM ma isu keen simay

daali maayo calafkuye
DAA'IM haduu keenay
dadaalkaan samayniyo
dulaadbaan ku gaadhnee
aan dalxiisno
wada wada dakayno
aan is daawanee

jacaylkaan dadkoo idil
isaguun ka doortee
yaradkii i dagaybaa
i damqaaya maantee

jacaylkii dagaalkiyo
dakharo igu gaadheen
difaaciisa awgiiyee

anigoon dabaal baran
doonida u korayee
dagtaye badwayntii
dirqi kaga badbaadee

Exit mobile version