dhadhamada ninkii jecelow
quud kama dhargayside
quruxdiyo dhalaalkeedii
markii aad dhamayseed
ubaxeedii dhaxashee
dhaliil dumar ha saarine

dadnimada ha dhaawicin
dhaqankana ha ceebaynine
soomaali kama dhalan
nimaan haween xaqdhawrayn

waa dhigaa ruux aadmiya ah
kow dhe
waxna aanad dheerayne
laba dhe
ha dhibini ragbaa dhalayee
gabdhaha laguma dheelee
gobtaa laguma dheelee

habeen dhexa ninka doortow
dhaxal kuma helayside
il xun gabadh ku dheehashada
dhulkan lagama aqoonoo
waxa maanta dhacayana
kuma dhiiranaynine

in gabdhaha la dhayalsado
waa dhaqan qalaade
soomaali kama dhalan
nimaan dumar xaqdhawrine

Exit mobile version