Heesta Dhaliil Dumar - Lyrics
dhadhamada ninkaa jecelow
quud kama dhargayside
quruxdiyo dhalaalkeedii
markii aad dhamayseed
ubaxeedii dhaxashay
dhaliil dumar ha saarin
dadnimada ha dhaawicin
dhaqankana ha ceebeyn
soomali kama dhalan
nimaan dumar xaq dhawrayne
waa dhiigaa ruux aadmiya ow dhe
waxna aanad dheerayne laba dhe
ha dhibine ragbaa dhalaye
gobtaa laguma dheelee
habeen dhaxa ninkaa doortow
dhaxal kuma helayside
ilxun gabadh ku dheehashada
dhulken lagama aqoonoo
waxa maanta dhacayana
kuma dhiiranaynee
in gabdhaha la dhayalsado
waa dhaqan qalaadee
soomaali kama dhan
nimaan dumar xaq dhawrayn
by masuul.com