dunida gabloonshoo
wakhtigaa is gurayoow
xiliga is gadidayayoo
hadba dhinac u guuree
caashaqii guyaal badan
kugu gooniyaabaa
anigana gammuunkiyo
igu ganay warmahaa
gama,ii hurdada iyo
iga jaray gasiinkii
gacal iyo sokeeyana
uga go,ay dartaayoo
cidlaan gaaf wareegaa
ii garoow macaanoow

waagii soo guduutiyo
gabalkii dhacaayiyo
gudcur dama alaylkii
adigaan ku goobaa
gafkaan anigu galay iyo
nabsi gaabinayaa
gondaahhyga yimidee
ha i gawdhin wiilyaw
guri aan yagleelnoo
nolo guul ka gaadhnoo
aynu gaadhnoo guushe
gacal iyo sokeeyana
uga go,ay dartaayoo
cidlaan gaaf wareegaa
ii garoow macaanoow

Exit mobile version