Heesta Nafku caashaqday - Lyrics
in waqtigu cajiibyahay
maxbuus ciilanbaa garan
qiimo cuudku leeyahay
sabool caydhaba garan
laxaad caafimaad qaba
curyaan heetiyaa garan
dhalaaniyo caruurnimo
duq ciroobaybaa garan
adna camal haboonow
inaad tahay nin caaqila
iyo hanad codkara oo
geesinimo ku caan baxay
cindigayga laabtee
dadba kaa calmadayo
naf ku caashaqdaa garan
gugu inuu cudoonyahay
cid jiilaal helaa garan
inay colaadu halis tahay
nimuu cadow qabtaa garan
aayadaha cibrada sida
caalimki dhigtaa garan
waalidiyo canaantii
agoon ciirsi laa garan