Heesta Qudhaad ila wadaagtaa - Lyrics
qof haduu qof beerkiyo
maankiyo qalbiga
uga qaydo laabtoo
nafta uu la qaybsado
adigaan qormiyo aqal
qasandaha halbawlaha
kasha kaaga qubiyoon
kugu qaatay hanaqee
bal qabsoo hadiyo jeer
ruux igu qorsoonoo
ishu aanay qabaniyo
qayb iga midaad tahoo
qudhaad ila wadaagtaa
qof haduu qof caashaqo
jacayl qiimo loo wacan
kalgacayl la qaadoo
dookhiisu qaayibo
adigaan mid aan qalad
iyo qoonsimaad layn
aan kuu qbaayoo
nolol kula qorsheeyee