Heesta Waqti - Lyrics
Waqtigu inoo cajiib yahay
Maxbuus ciilan baa garan
Qiimo Cuudka leeyahay
Sabool ceer ah baa garan
Laxaad caafimaad qaba
Curyaan heetiyaa garan
Dhalaan iyo caruurnimo
Duq ciroobay baa garan
Adna camal haboonoo
Inaa tahay nin caaqil ah
Iyo Hanad cod kar ahoo
Geesinimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Dad ba kaa calmadayoo
naf ku caashaqdaa garan
Gugu inoo cudoon yahay
Cid jilaal helaa garan
in colaadu halis tahay
Nin cadw qabta garan
Aayadaha cilmiga sida
Caalimkii dhigta garan
Waalid iyo canaantii
Agoon ciirsi baa garan
Adna camal haboonoo
Inaa tahay nin caaqil ah
Iyo Hanad cod kar ahoo
Geesinimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Dad ba kaa calmadayoo
naf ku caashaqdaa garan