nasteexada jacaylkiyo
naxariista dunidee
nafta raali galiyow

midkaan naawilaayow
nabdigaygu raacee
u naanaawilaayow

waa nagi warkaygani
niyad kugu samaatiyo
nuxur gaara weeyaan

bal eeg nuurkan caashaqa
nasiibkeena wacaniyo
nimcada iyo barwaaqada
nasri EEBE weeyaan

naqaan goosanaayiyo
naruuradii kalgacalkiyo
neecow udguunow

calafiyo nasiibiyo
midkii la igu nudayee
aan u huray naftaydoow

ifka intaan ku noolahay
nolol aayatiinliyo
nabad aan ku waaree

Exit mobile version