VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Horyaal - Lyrics

Waxaad tahay horyaalkii Hablaha maanta joogoo Hubaashii naftaydaa Hodaneey ku jeceloo Waan kuu hanwaynee Hawraarta adigaa igu huriyoo Halbawlaha wadnaha iyo Xididaad haleeshoo Halisban ku suganee Haween taan ka doortaay Naftaan kuu hibeeyoo Hiyigaygu wuxuu yahay Inaan hoy wadaagnee Hareertaada ka adkow Habsamida dhaqankiyo Daganaanta hadalkiyo Hubqaadkiyo xishoodkuna Hadiyad EEBE weeyoo Aad hido u leedee Laabtaad hantidayoo Aawadaa habeenkii Hurdada ma seexdoo Ilaa hiirta waagana Hadaarban ku gaadhaa
Queue is empty
-- / --