VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Idil - Lyrics

Ifka intaan ku noolaa Indhahaygu may arag Abuurtaadanoo kale Ayaantaynu kulanaa Eebada kalgacalkuna Oogadayda saaqdoo Ililaha dareenkuna Idileey aduunbay Ehel kaa dhigtaano Ma ogtahay afkayguba Amaantaada mooyee Eray kale ma sheegoo Naftaa ku ogolaate Waa ayaamo duniduye Aan ku istareexnee Ooridayda maad noqon Ubax dayrtii baxayoo Aragtida u roonoo Aadmigu jeclaystiyo Waxaan kugu asteeyaa Ilayskii cadceedoo Agagaarka beerkiyo Wadnaha oogadiisaba Idileey aduunbaa Unugyada waraabshoo
Queue is empty
-- / --