Xaawalayda dhamaantood
Xabadaan ka xushee
Xidida jidhkaygiyo
Gashay feedhaba

Xiisaha jacaylkiyo
Xubi taan u qaadaay
Wadnaha dhiiga xula iyo
Xadantaysay laabtaay

Sharafiyo xishoodkuna
Xikmad EEBE weeyee
XAAKIMKAANA bixiyee
Tii loo xantooshaay

Runta iyo xaqiiqdii
Xidigtii jacaylkaay
Naftan adigaa ku xidhan

Xuural cayntaan dumarkiyo
Ka xigsaday haweenkee
Xidhiidh aan wadaagnee
Xabiibtaydii noqotaay

Xiligii la joogaba
Naftu tay xasuusiyo
Xushmadiyo qadariniyo
Xurmo ay u haysaay

Exit mobile version