VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maamuus - Lyrics

maamuuska sharaftiyoo milgahiyo dhaqankaba midii lagu manaystaay macbuudkaa quruxdiyo maskax gaara siiyoo marwo lagu majeertaay milicsigaaga eegmada jaceyl idhex maquuree waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee midigtaada iidhiib modanihii aqoontiyo madhaafaankii ragee murti eebe siiyow muujiyeenki leexadii midkii uu lahaayee maldahee sarbeebow macaaneeyey sheekada caashaqii malxiistee jaceyl ii makiistee waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee mowle ha isku keen simo hadal waa midkaad tidhi ana maagi maayo meermeerin maayee ma maqnaan kaaayoo marna maarmi maayee mudan aragtidaayee muunadaada wacanbaa muxibo igu abuurtee waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee midigtaada iidhiib anaa kaaga mara kacay inaad tahay masuul madal rag isku arkiyo mowlac diintu taaliyo mariinkii hagaagsaniyo ka maqnaaninoo mufti iyo mideeyoo maxaastana daryeeloo waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee mowle ha igu kaa simo mowle ha isku keen simo
Queue is empty
-- / --