Heesta Aduun - Lyrics
aduunyadu waa firash
khalqigu wada fuushan yahay
faruuryaha laga hadliyo iyo
is fahanbaa reer xukuma
sideedaba fiida ubax
fagaaro ka muuqashiyo
filsamida lagu gartaaye
cidladu faa'ido ma leh
fursadi waa ha iska lumin
wixii kugu filan ayaa
fayoobida kaa heli
fiirsasho waa lama huran
fogaadaye ruux wax jecel
ilayn faataxada wadaad
cudur kama faydo
fikirku waa daawa legyahe
farxadi waa tii hore
faraatigi la isu xidhaye
ma fashilma sheekideeniye
cidladu faa'ido ma leh
fursadi waa ha iska lumin
wixii kugu filan ayaa
fayoobida kaa heli
fiirsasho waa lama huran