Bilowgeeni horayee
Barnaay Barashadayni

Lyrics by Masuul.com
Bilowgeeni horayiyo
Ogow barashadayni
Barni Waalidkaaba
Aqoon kugu barbaarsheey

Arooskayni buuxiyo misna
Barisamaadkii inaan kaaga bayrin
Waa taana maray bilaah

Adna igama baydhinee
Waa taa beer adeegtay
Balanqaaday sharaftee

Ha bariiqan waligaa – kow dheh
Beenaalaha iska ogow – labbo
Axdigana ha beeneenin

Wadnaha bahalshiisiyo
Beerka xididadiisiyo
Bogayga iyo jirkaygiyo
Nafta kala barkeedaay

Hadaan beri ku moogahay
Boholyoow ma seexdo
Indhahay i basaasay
Inaad baari ii tahay

Anna inan bukaan qabin
Buurta igala culustahay
Birta igala adagtahay

Ha bariiqan waligaa – kow dheh
Beenaalaha iska ogow – labbo
Axdigana ha beeneenin

Bilowgeeni horayiyo
Ogow barashadayni
Barni Waalidkaaba
Aqoon kugu barbaarsheey

Arooskayni buuxiyo misna
Barisamaadkii inaan kaaga bayrinee
Waa taana maray bilaahi

Exit mobile version