Cabashiyo caloolyow
ciil kaama biiyaan
Talo cayn wareegtana
la iskuma canaantee
caqligiyo hubsiinaa
cidhib looga aayaa
cidna eersan maaye

Jacayl waa cadaawoo
cidi kaama qaadee
dawo lay cabsiiyiyo
cashar waan ka quustee
waxa cunaha dhaafiyo
cunto waan ilaawoo
cidna eersan maayee

Sida ciyowga caydhaan
casarkii dhawaaqaa
ama cawsha duurkaan
cidlada u wareegaa
ciirsi la’aan is dhigay
iyo culuuf aan geystoo
cidna eersan maayee

Cawo iyo ayaankuba
calaf eebe weeye
cisigiyo wanaagana
lama celin karaayee
ciirsi la’aan is dhigay
iyo culuuf aan geystoo
cidna eersan maayee

Lyrics by Abdulahi Hasan

Exit mobile version