Deeqaay daawashada guud
Dayax shan iyo tobaniyo
Daruur hoorti weeyaan

Timahaydu waa dahab
Marka dhabarka loo furo
Wada daaahan gabigood
Daauuskay quruxda iyo
Daymada wadaagaan

Deeqaay daawashada guud
Durdur aan gurayniyo
Dix biyahu jeexiyo
Duuur joogta cawshiyo
Deelada ku nooshihyo
Ubaxoo dilaacaa
Daymadiisa leedahay

Dabciga iyo aqoontaa
Dumar laga xushaayoo
Shay doora weeyoo
Ahaa weeyeee

Deeqlaha Ilaahay
Dadka uu wax siiyo
Dibnahayda hadalkiyo
Ma yaqaan deeqaa

Weligeed daboob roob
Isma ayna daba marin
Kolay deeqday dariskiyo
Dadka intay la dhaqantee

Waxaa doogsimaad helaa
Dadabkii ku geestee
Dooqayduna laacayee

Exit mobile version