Ganbalayda dumar
Gacalooy adigaa
iga gaar ahee
Waan kuu go’oo
Guur ma fadhiyi

Galab gooniyoo
Kuu gaar ah baa
ii goosatee.
Waxa aad gashaa
Nafsiga gudaa
amba kuu garteee

Gardara iyo xumaan
Gacalooy adigaan
Kuu gaysatayee.
Waan kuu gafee
Iga aargudoo
Nafta iga gooy

Galab gooniyoo
Kuu gaar ah baa
ii gooysatee.
Waxa aad gashaa
Nafsiga gudaa
ama kuu garteee

Ha igayn golaf
Waxa iga gudataa
Igu gubi karee

Yaan gan dhawaan
Godka aaqiro
Kula roorayee

Galab gooniyoo
Kuu gaar ah baa
ii gooysatee.
Waxa aad gashaa
Nafsiga gudaa
ama kuu garteee

Exit mobile version