Balagbaa la ii luli
Waa boqol kunoo mayl
Nafta la iiga baaqee
Jacaylka iga maagee
2x
Bari kale uu dhooftee
Bari kale uu dhooftee
Badhna haray sideebaa
Suga baadi doonaa
Badhna haray sideebaa
Suga baadi doonaa

Hadaan baalal leeyahay
Bariga sooma duuleen
Hadaan baaxad leeyahay
Bada soo ma jiidheen
2x
Sow bilic haldhaalay
Barta ay ku nooshahay
Kuma waa bariirsteen
Alahayoow Cid ii bixi
2x
Boholyowga caashaqu
Siduu ii bariisaday
Dhaaxaan degmooyee
Hurdo kuma bariistee
2x
Bad joogtiyo qaaliyoo
Bad joogtiyo qaaliyoo
Baroordiiqsheen biraha
Igu soo bariidshee
Baroordiiqsheen biraha
Igu soo bariidshee

Hadaan baalal leeyahay
Bariga sooma duuleen
Hadaan baaxad leeyahay
Bada soo ma jiidheen
2x
Sow bilic haldhaalay
Barta ay ku nooshahay
Kuma waa bariirsteen
Alahayoow Cid ii bixi
2x

Exit mobile version