Looli dhaga laheydoo
looli dhaga laheydoo
laba goor tuskii helay
Dhulkoo liqay xareedii
rayskuna labeen yahayee
rayskuna labeen yahayee

Oo laamo ubaxiyo
isku ladhay caleentii
liiq liiqanayaa

Saxan saxo lulaysiyo
sida laydha
laydha uduga leh
laab qaboojiyaa

Maxaa kaa lilaahiya
caashaqa halalinee

Siidii aan u laab kacay
Siidii aan u laab kacay
ladi waayey jiifkoo

Sidaan ulaba lagdoodaan
laaca waan la gowsahayee
laaca waan la gowsahayee

Labxadaya beerkiyo
qalbigaad ka lulataa
laxawgiina sii kodhodh

Dhibka halista igu mudan
inaan liito liito aragtayee
intaan luxudka lay dhigin

Maxaa kaa lilaahiya
caashaqa halalinee3

Exit mobile version