Wagareey aduunyadaa
jaceyl wabax ma noqoninee

Wiglo ugama jeedinee
wiilan dhalay ma siistay

Waadigi haweenay
adoon iga war diideyn
ayaaaaaa haa haa
wardi kaafa kuu wadaa

Wadan kala wanaagsane
wacan ciidii loo bogay
hareerihii wacnaa iyoo
aad walwaal aragtidee
yaa wardheer ku so baraa

Waxyaheeda qorayee
loo wada dhameeyay
Weyne tuu u deeqee
qurux weel u buuxshay

Inta kulan wajiiliyaa
halku waalid igu dhalay
ayaa haa haa haa
gogol weheli kuu dhigaa

Wadan kala wanaagsane
wacan ciidii loo bogay
hareerihii wacnaa iyoo
aad walwaal aragtidee
yaa wardheer ku so baraa

Exit mobile version