VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bulsho - Lyrics

bulshada anigoo u wacan bar baarta anigoo ku jira badhkii lagu taamayee bartee cilmigii hantiyay macaan barashadaadii saw jacayl baas iguma dhicin biligaad leedihiyo sow maan bilicdaada ka helin barwaaqo dhulkoo udgoon bad iyo jiifaan xareed biliga lagu doogsadana adaa bilicdooda lee bal qabo caashaqan i galay bogiyo waaxyahaa dhamaan beerkiyo jiidhkaygo idil jacayl igu baahaybaa beerkiyo xidida i jaray basaaskii sow dartaa baadkiyo cuntadii ma jarin baqiyo aragaaga wacan sow maan baadi goobto noqon
Queue is empty
-- / --