VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qilaafka - Lyrics

qalbiga laba kala qawaday kuwaan isku qanacsanyn qilaafka dhexdooda yaal hadaanay qaboojin kareyn qaanuunka waxaa ku dhigan intaan qaxarkoodu badan qiimaha sharafkoodu dhicin inay kala qaybssamaan midkaad kala quusateen sharcigu idinkala qabiley haduu qoontaada rabo quraanku siduu na yidhi gobtaa samir qaadatee qalooca haduu ubogo adigu waligaa qadari huunooy waligaa qadari walaal waligaa qadari hadii qalad hore udhacey qisada lama sii qod qodo waayeelku intuu qayaxo intuu qariyaa ka badan qofaad hoy wada dhisteen qabow iyo nolol qadhaadh qorshaha soo wada marteen qoraalku intuu ahaaa halkuu qaayaha dadnimo wanaag kuu qiri lahaa haduu ubadheedho qadaf quraanku siduu na yidhi gobtaa samir qaadatee qalooca haduu ubogo adigu waligaa qadari huunooy waligaa qadari walaal waligaa qadari
Queue is empty
-- / --