Bilaneey si ba,anbaa
Beerka kuugu hayaayoo
Baahida kalgacalkaa
Waaba bastaydee

Balan buubi doonana
Waa la sheegay waa adi
Boqoradii bilcantaa
Boqonahaayo waa adi

Bisinkaa hadii aad bilaabin
Beedkii aan cunay bilaneey
Baahi igama baxin
Biyahaan caboo bilaneey
Haraad igama biiyee

Jacayl aan baqin
Adaa igu beeree
Jacayl aan burin
Adaa igu beeree

Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree
Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree

Jacayl aan burin
Adaa igu beeree
Jacayl aan baqin
Adaa igu beeree

Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree
Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree

Balamadii jacaylkaa
Bari kula lahaan jirayo
Bartii aan ku kulanaa
Ku soo baraarugaa

Bishaaradaanfilaayana
Beeryuna waa adi
Bilicdii haweenkoo
I bidhaanto waa adi

Bisinkaa hadii aad bilaabin
Beedkii aan cunay bilaneey
Baahi igama baxin
Biyahaan caboo bilaneey
Haraad igama biiyee

Jacayl aan baqin
Adaa igu beeree
Jacayl aan burin
Adaa igu beeree

Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree
Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree

Jacayl aan baqin
Adaa igu beeree
Jacayl aan burin
Adaa igu beeree

Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree
Jacayl aan u bogay
Bilaneey adaa igu beeree

Exit mobile version