Cudud weeye caashaqu
Caawinaada jeceloo
Cabashada u ciirnee

Marna cadaw weeye halisoo
Caradiisu wadatoo
Oo cidi canaadin

Codsigayga canabeey
Marna ha igu celininee
Codsigayga canabeey
Marna ha igu celininee

Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cimis siigo galisaa
Ku caleemo saaree

Cudurkaan i helaayo
I cadaadinaaye
Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cimis siigo galisaa
Ku caleemo saaree

Casri waliba caashaqu
Waa doog caleenloo
Ubax caynba caynlee

Marna cosob helay jiilaa
Cayayaanka cunaaya
Oo cidi canaadin

Codsigayga canabeey
Marna ha igu celininee
Codsigayga canabeey
Marna ha igu celininee

Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cimis siigo galisaa
Ku caleemo saaree

Cudurkaan i helaayo
I cadaadinaaye
Cudurkaan i helaayo
I canaananaaye
Cimis siigo galisaa
Ku caleemo saaree

Exit mobile version