qabso jacayl dhabaa inoo dhaxeeyoo
dharaartii timaadaba isu soo dhawaanee

dhiigaan kuu badalayaa adna dhuuxa ila gaadhe
sida dhayda caanaha u dhanee ha sii dayn

sidaad iigu dhadhabtaan ana kuugu dhololaaye
ana kuugu dhololaayee marna ha iiga dheeraan

ma dhamaane caashaqaan dhidibkiisa taagnaa
dharaartii la joogaba dhumucaysanaayee

dheelaan kaa ilaashaa adna hadimo iga dhawre
sida dheemaniyo luul dhaayaha ku daawada

Exit mobile version