VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Gunimo jacayl Lyrics

gaabiyow dagdagayaa
lama galab carraabo
war lama hu laabte
horta gabi hadalkoo
gabyaaga caanbaxay

habtiririn geerar
hadii anad garaneyn
wuxuu geesi mudanyahay
gole lagam faane
gacalkana ha ceebayn
garadkaagu yuu noqon
waxa galabta haydaa

waa aduun gaababsi
danta guud la garanayn
oo iniba gaar tahay
awr cuna gaawa
waxaan uga gol leeyahay
geeda gu'yaal badan
lagu beerta gacantaade
ha ku beerta gacantaa
niman falin ku howshoo
midhaysayoo guran

qumac iyo rasaasiyo
wali ka jamaarada
dhibka i damaadaye
wali guuto uma tallin
wax ka go'aynoo
kaa go'aynbaa

indha gareedya jira
ama goob colaaded
geyigoo la weeraroo
qorigay saartoo
u halgama dhulkiise
goortay cakirantana
togta lala taager jiray

waa aduun gaababsi
danta guud la garanayn
oo iniba gaar tahay
awr cuna gaawa
waxaan uga gol leeyahay
geeda gu'yaal badan
lagu beerta gacantaade
ha ku beerta gacantaa
niman galin ku howshoo
midhaysayoo guran


Lyrics by: khayre
loading..
-- / --