VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ka baxay xusbigii jacaylka - Lyrics

midaan ka xushay aduunka xidhiidh kala wadaagay koonka kolkaan ku xardhay garaadka haday iga xoortay maanka anoo xubigiyo oonka la ildaran xumadiyo busaylka intay u xaglisay namiimka haday iga xaaqday beerka inteen xamilee dareenka haduu xurmo beelay maanta ka jaray xididkiisii uurka ka baxay xusbigii jacaylka ku dhigay xabsigii nacaybka midaan ka xushay haweenka midaan ku saday xaqdhawrka kolkaan u xidhay damiirka haday ka xiistay saaka anoo xubnahiyo uurka ku qoray xididada dareenka xiskii ka mudnaa daryeelka haday ka xujaysay maanka midaan xoojiyay dulqaadka hadaad xajin wayday khayrka tirtiray xukunkii jacaylka
Queue is empty
-- / --